Daawo Sawiradda: Xildhibaano Ka Tirsan BF soomaaliya oo Lamagac Baxay 5ta-May, oo Baaq Culus u diray Beesha Caalamka.

0
215

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Arrimo ay ka mid yihiin sidii ay u sii wadi lahaayeen Mooshinka ay Madaxweynaha ka geeyeen iyo Baaq ay u direen Beesha Caalamka.

Xildhibaan C/laahi Sh Cismaaciil oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay lugooyo ku hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/laahi Sh Cismaaciil ayaa ugu baaqay Caalamka in ay ka laabtaan Tilaabooyinka Xun xun ee ay Dowladda Soomaaliya ku burburinayaan,oo aan loo dulqaadan Karin.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in Fadhiyada Soo socda ee Baarlamaanka ay rajeenayaan in looga hadlo Arrimihii ay ka soo gudbiyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.

5-tii bishaan May ayey aheyd markii Xildhibaano gaaray 115 Xildhibaan ay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Idale News  Online, Muqdisho