Daawo Sawiradda: Axmed Madoobe oo Waayay mid ka mid ah Awoodii Ciidan uu kula dagaalamayay Kooxda Al-Shabab

0
226

Kismaayo(INO)-Waxaa garoonka Kismaayo ka dhoofay Cutubkii ugu horeeyay ee ka tirsan Ciidamada Sierra Leone ee fadhigoodu ahaa magaalada Kismaayo.
Cutubkaani ugu horeeyo ee Ciidamada ayaa dib ugu laabtay dalkoodii hooyo waxaana la sheegayaa in tirada laabatay ay gaarayaan ilaa 116 askari.
“Haa wan kasoo baxnay howsheena aan u joognay Magaalada Kismaayo,inkastoo aan jeclayn inaan sii joogno oo aan aragno Somalia oo dib uhesho amni buuxa iyo maqaamkii ay ku lahayd Beesha caalamka, hadana hadii aanu nahay Sierra Leone waxaanu hada ka ambabaxaynaa xaybaha Somalia,waxaanu dadka Soomaaliyeed u rajaynaynaa amni,xasilooni,maalmo wanaagsan” ayuu yiri major David Mansare oo kamid ahaa taliyaasha ciidamada.
Waxa uu sheegay inaysan ilaabi doonin waayihii ay ku qaaten Magaalada Kismaayo, waxa uuna aad ugu celceliyay Somalia horumarka bilo iyo maalmo ayaa uga harsan, waxay kasoo dhalaaleysaa intii looga baahnaa guul iyo horumar wacan ayuu yiri major David Mansare oo kamid ahaa taliyaasha.
Dhanka kale, Ciidamada ka socda Dowlada Sierra Leone ayaa dalka Somalia soo gaaray sanadii 2013-kii, waxa ayna ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM kusoo biireen iyagoo tiro ahaan gaaraya 850 askari hayeeshee nasiibdaro iminkana waxa ay dib ugu laabanayaan dalkooda hooyo.

Halkan Ka Daawo Sawiradda.

110.jpg (640×427)

35.jpg (640×427)

26.jpg (640×427)

43.jpg (640×427)

52.jpg (640×427)

  Idale News Online, Kimayao/.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here