Baydhabo(INO)-waxaa lagu wadaa in dhawaan TV uu leeyahay Maamulka KGSoomaaliya uu hawadda soo galo kaasoo ku baxaya Lahjadaha Maay & Maxaa Wararkiisa & Barnaamijyada TV-ga.
TV-gaan ayaa wuxuu ku jiraa habeyn Xarumihiisa iyo aruurinta shaqaalaha TV ga ka howl gali lahaa waxaana lagu wadaa in howlahaasi marka la dhameeyo uu si toos ah hawada usoo galo kaasoo xaruntiisa ugu weyn ay noqon doonto Degmada Baraawe ee Gobolka Sh. Hoose.
Tv-gaan ayaa waxaa waxaa howshiisa wadda wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya maalintii wasaaraddaasi la dhisey wixii ka dambeeyey wuxuuna noqon doonaa TV.gaan KGSTV Tv ku hadla Afka Dowlad Goboleedka & Dadka Deegaanada Koonfur Galbeed.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo.