Waxaa saakay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu doortay Madaxweynaha Maamulka Sadaxda Gobol ka kooban ee Koonfur Galbeed Soomaaliya , kadib shir in mudo ah ka socday Hoteelka Bakiin ee Magaalada Byadhabo
Doorashada saakay ka dhacday Hotelka Bakiin ee Magaalada Baydhabo waxaa goob joog ka ahaa in kabadan 700-oo ergo ka kala timid Sadaxda Gobol ee maamulka loo samenayay ee kala ah Baay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Kahor inta doorashada aysan bilaaban waxaa madasha doorashada ka dhaceysay lagu aqriyay Taariikh Nololeedka Xubnaha isku soo sharaxay in ay qabtaan hogaanka Maamul Goboleeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Doorashada waxaa ku tartamayay ilaa Afar musharax ,markii doorashada bilaabatay ayaa sadax kamid ah Musharixiinta waxa ay go’aansadeen in ay ka tanaasulaan doorashada , taa oo sahal ka dhigtay in Ergadii wax dooraneesay ay codka ugu shubaan Musharax Maxamed Xaaji C/nuur oo loo doortay in uu noqdo Madaxwynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in codeynta ay ka qeyb qaateen ergooyin gaaraya 723 xubnood, waxaana Madaxweynaha la doortay u codeeyey inuu maamulkaas madaxweyne ka noqdo 713 halka 10 xubnoodna ay diideen.
Doorashada markii ay dhamaatay kadib ayaa isla goobta waxaa lagu dhaariyay Madaxweynaha Cusub ee la doortay , waxa uuna Khudbad kooban uu jeediyay Maxamed Xaaji Cabdi Nuur Balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono amaanka sadaxda Gobol uu Hogaamiyo uuna meesha ka saari doono Al-Shabaab.
Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdi Nuur ayaa la sheegay in isku hooyo yihiin Xildhibaan Shariif xasan Sheekh Aadan oo la tilmaamay in uu yahay maskaxda ka dambeysa dhismaha Maamulkan.
Doorashada madaxweyne ee maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa ka dhigeysa Madaxweynihii labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu doorto Baydhabo , waxaana is jiid jiidkan siyaasadeed laga cabsi qabaa in ay saameyso Magaalada Baydhabo ay joogaan Siyaasiyiin is diidan.