Warar goor dhaw naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in doorasho ka dhacday magaaladaasi lagu doortay hogaamiyaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Somaliya ee Seddexda gobol ka kooban.
Doorashada oo ka dhacday Hoteelka Bakiin ee magaalada Baydhabo ayaa waxa isku soo taagay murashaxiin kala duwan waxaana ay bilaabatay xalay iyadoo ilaa saaka ay soo gaartay iyadoona xilka loo doortay Maxamed Nuur Xaaji Cabdi Nuur.
Madeer oo ah nin Shariif Xasan Sheekh Aadan isku hooyo yihiin hase ahaatee aabihiis uu ka soo jeedo Beesha (Shilmooge-Hadama), ayaa Shariifka in dhawaalaba u waday inuu ku kala dhantaalo cududaha beelaha Hadama, hase ahaatee u suurtogalin inuu ka gado beesha uu ka soo jeedo iyo waliba dowlada dhexe oo uu wasiir uga raadinaayey.
Madeer ayaa ka mid ah qurbo joogta gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis, mana jirto xirfad shaqo uu ka haayey gobolka Minneapolis intii uu joogay oo aan ka aheyn inuu yahay aqoonyahan.
Faaf faahin dheeraad ah waxaad kala socon doontaan Idale News Online