Muqdisho: Ahlsunada Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, ayaa xilligaan dalbanaysa taageero ku aadan dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ku sugan.
Afhayeenka Ahlusunada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi, oo la hadlay idaacada Risaala, ayaa wuxuu sheegay in beesha caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan taageero ay ku wiiqaan awooda Shabaab.
Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa taageerada uu dalbaday wuxuu ku sheegay inay tahay tababarka ciidanka dhanka saadka ciidamada iyo wax waliba oo ciidankooda loo awooda.
Ciidamada Ahlusuna ayuu sheegay inay u taagan yihiin difaacida dadka diinta iyo dalka Soomaaliya intaba.
Ahlusuna ayaa qeyb ka ah dagaalada lagula jiro Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ka socda.
Idale News Online