Dood ka socotay telefiishan laga leeyahay dalka Hindiya, ayaa ku dhammaatay argagax iyo naxdin, kadib markii mid ka mid ah daawadayaasha doodu uu dab naftiisa qabadsiiyey, kadibna ku dhegay nin siyaasiyiintii dooda ka qaybgalaysay ka mid ah.
Nin ciidammada bilaysku magaciisa ku sheegeen Durgesh Kuman Singh, ayaa si kedis ah meel 150 qof oo daawadayaal ah ku sugan yihiin bartool isku shubay, kadibna dab is qabadsiiyey, soona jiitay hoggaamiyaha xisbiga Bahujan Samaj oo la yidhaa Kamruzzama Fauji.
Mr. Singh waxa gubtay 95% jidhkiisa , waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in xaaladiisu halis tahay, halka hoggaamiye Fauji uu 75% jidhkiisu gubtay, xaaladiisuna halis tahay.
Telefiishankan barnaamijayada doorashada diyaariya oo Qaranka Hindiya leeyahay, lana yidhaa TV Doordashan, waxa uu barnaamijkan ku duubay Isniintii tuulada Sultanpur oo 100 u jirta magaalada Lucknow.
“Ninkan baa si dhakhso ah u soo galay goobtii, waxaannu isku shubay shidaal, dabna wuu is qabadsiiyey ka hor intii aanu ku dhegin hoggaamiyaha, dadku way argagaxeen, iyagoo doonaayey inay ogadaan waxxa dhacay,” ayuu sawir qaade Pankaj Kumar Gupta u sheegay Wakaalada wararka ee AFP.
Laba siyaasi oo kale oo barnaamijka ka qaybqaadanayey ayaa dabku soo gaadhay, kuwaasoo dhaawacyo yar oo fudud haleeleen, kadib markay isku dayeen inay badbaadiyaan saaxiibkood.
Isla markiiba dhaawacyada labada nin waxa loola cararay cusbitaalka magaalada Sultanpur, iyadoo loo gudbiyey magaalada weyn ee Lucknow aakhirkii.
Ilaa hadda lama garanaayo ujeedda ku kaliftay ninkan inuu is gubo, kadibna qabsado ninka siyaasiga ah ee degaankaas hoggaamiyaha xisbga aqlabiyada ku leh.
Telefiishannada Hindiya, ayaa siyaasiyiinta gobollada dadka cod bixiyayaasha ah hortooda su’aalo ku waydiiya amma doodu ugu qabta, kuwaasoo ka sameeya barnaamijyo dib u daawadaan dadku.