Maalinta shaqaalaha oo laga xusayo Soomaaliya

0
204

Maanta oo ah 1-da bisha Mey, waxaa caalamka laga xusayaa maalinta shaqaalaha adduunka.

Soomaaliya oo haatan ka soo kabsanaysa dagaalo sokeeye ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha uu aadka u hooseeyo xuquuqda ay helaan shaqaalaha.

Si arrintaa loo horumariyana dowladda Soomaaliya ayaa bishii Maarso ee sanadkan, waxa ay heshiis la gashay Ururka Shaqaalaha Adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ILO).

Magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in laga xuso maalinta shaqaalaha adduunka

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shalay sheegay in shaqaalaha baarlamaanka ay maanta fasax yihiin si ay ula dabbaal-degaan shaqaalaha kale ee adduunka.

Jawaari ayaa hambalyo u diray guud ahaan shaqaalaha Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa baarlamaanka.
Shaqaale1-202x300
Khubarro arrimaha dhaqaalaha bulshada ah ayaa markii ugu horreysay sanadkii 1886-kii asteeyay in Koowda bisha May loo aqoonsado maalinta shaqaalaha adduunka, taasoo markii dambe noqotay mid laga xuso guud ahaan caalamka.

Ra’yigaagana ka soo dhiibo qoraalkan?

Idale News Online,Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here