Diyaarado markale weeraray DegmaddaJilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe.

0
189

Warka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa shegaya in diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn ka geysteen markii labaad  deegaanno ku yaalla halkaas .

Diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay inay bar tilmaameydsanayaan saldhigyo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Inta la ogyahay siddeed qof oo ay ku jiraan afar carruur ah ayaa la soo wariyay in ay ku dhaawacmeyn duqeymaha balse faah-faahino dheeraad ah lama hayo.

Dadka goob joogayaasha ayaa sheegay in dhaawacyada ay ku jiraan qoys dhan.

Waa markii labaad oo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geystaan degmada Jilib muddo 72 saac gudahooda.

Duqeynta maanta ay geysteen diyaaradaha Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Al-Shabaab ay weerar ku qaaday magaalada Mandheera ee dalka Kenya halkaasoo ay ku dishay in kabadan 10 askari oo Kenyan ah.

19 firefighters killed in Arizona blaze: county sheriff

Idale News Online.