Daawo: Qaabkii uu u dhacay Howgalkii Al shabaab looga saaray Kurtunwaarey.

0
309

 Howlgal kamid ah ‘Badweynta Hindiya’ ayaa Maalintii Axad ee lasoo dhaafay waxa ay Ciidamada DFS & AMISOM Kooxda Al shabaab uga qabsadeen Degmada Kurtunwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Teaser Image Qaabkii uu u dhacay Howgalkii Al shabaab looga saaray Kurtunwaarey - Daawo

Brigadier Dick Alum, oo ah Taliyaha Ciidanka Uganda ee AMISOM ayaa Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Degmada ayaa sheegay in Al shabaab ay isaga baxeen Magaalada, iyagoo aan Hal Xabo ku riday Ciidankooda.

“Waxaan soo galnay Kurtunwaarey iyadoo aan la kulmin wax iska caabin ah oo sidoo kalena Hal Xabo nalagu soo ridin, Al shabaab haddii aysan nala dagaalmin, ma jirto baahi keenaysa inaan Rasaas ridno,” waxaan Shacabka Degmada u balanqaadnay Amaankooda inaan sugno,” ayuu yiri Brigadier Dick Alum.

Wuxuu sheegay in Howlgalka ay Hormuud ka ahaayeen Ciidanka Uganda oo iyaga & kuwa Burundi loo xilsaaray in Al shabaab ka saaraan Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo intaasi ku daray in hadda ay kusoo siqayaan Degmada Baraawe, oo ah Xarunta ugu weyn ee Al shabaab.

Kurtunwaarey, waa Degmdo Hodon ku ah Dhul-Beereed & Dhaqashada Xoolaha, waxaana ay qiyaasti 20Km dhanka Galbeed uga beegan tahay Deegaanka Buulo Mareer, oo isna soo galat gacanta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Idale News Online , Xafiiska Baydhabo Janaay