Kulan aan caadi ahayn ayey xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federalka caawa ku yeesheen Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa laga soo saaray Go’aan Cad oo ku aadan Dagaalada lagu baacsanaayo Alshabaab.
Kulankaasi oo uu shir guddoominayey Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa waxaa looga hadlay Xaalladda Ammaanka iyo Hawlgalladda dagaalka ee lagula jiro Alshabaab ee ka socda Gobolada Dalka.
Kullanka kadib ayaa waxaa Warfidiyeenada la hadlay Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed oo faahfaahin ka bixiyey qoddobaddii lagu lafa-guray Kulankaasi.
Mr Erag waxa uu Faah-faahiyay kullanka waxa uuna sheegy inay Xukuumadda isku waafaqeen in la sii wado Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab ilaa laga wada saarayo Goballadda oo dhan.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa waxa uu intaa sii raaciyay Haddalkiisa in Xukuumadda cafis u fidinayso dhallinyarradda ka tirsan Alshabaab, waxaana loogu baaqay inay muddo 45 maalmood gudaheeda isugu soo dhiibaan Dowladda.
Waxay kaloo Golaha Wasiiradda ugu baaqeen Culumaa’udiinka iyo shacabka inay Dowladda kala shaqeeyaan sugidda ammaanka.
Dhinaca kale, Afhayeenka Xukuumadda Federalka, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa la hadlay Saxaafadda, waxaana wax laga weydiiyey duqeyntii ay Diyaaradaha Droneska Maraykanka xalay la beegsadeen deegaan ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Alshabaab.
Waxa uu sheegay in dhowr qof oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay duqeyntaasi, inkastoo uusan faahfaahin dheer ka bixinin xogta ay ka hayaan duqeyntaasi.
Idale News Online, Xafiiska Muqdisho
Home Idale Somali News Update Kullankii Wasiirada Soomaaliya uga socday Villa Somalia oo laga soo saaray Warbixin...