kooxda Mayalka Adag Ee Al shabaab oo ka hadshay Duqeyntii lagu bartilmaameedsaday Axmed Godane.

0
201

fhayeen u hadlay Al-Shabab oo magaciisa lagu sheegay Abu Max’ed ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in hogaamiyahooda Axmed Cabdi Godane inuu saarnaa mid ka mid ah gaadiidka ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka.

Teaser Image Al shabaab oo ka hadlay Duqeyntii lagu bartilmaameedsaday  Axmed Godane

Warkaan oo ay qortay wakaaladda wararka AP ayaa waxaa lagu sheegay in hogaamiyaha Al-Shabab uu ku safrayay gaadiidka la duqeeyay waxaana la duqeeyay xilli ay marayeen meel u dhaw degmada Sablaale ee G.Sh/hoose.

Abu Muxamaed sargaalkaan isku magacaabay waxaa uu sheegay in gaadiidka la duqeeyay oo labo gaari ahaa ay ku socdeen magaalada Baraawe oo hadda xarun weyn u ah Al-Shabab waxaana uu intaa ku daray in duqeynta ay ku geeriyoodeen illaa 6 xubnood oo Al-Shabab ka tirsanaa.

Sh, Abu Zubeyr baabuurta la duqeeyay mid ka mid ah ayuu saarnaa waxaana ay u socdeen magaalada Baraawe dhamaantoodna waa ay bas beeleen” ayuu yiri sargaalkaan ay xigatay wakaaladda wararka AP ee Abu Muxamad magaciisa lagu sheegay.

Ma jiro willi war rasmi ah oo saraakiisha la yaqaan ee Al-Shabab kasoo baxay oo arrintaan ku saabsan hase ahaatee dadka degaanka ayaa warbaahinta qaar u sheegay inay arkeen gaadiidkii la duqeeyay oo gabi ahaanba bur buray.

Sanadkii 2009 Maraykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyihii ugu horeeyay Al-Shabab Aadan Xaashi Ceyrow xilli uu ku sugnaa magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka G/gaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Haddii ay run noqoto in Axmed Godane uu geeriyooday waa guul weyn oo dawlada Soomaaliya ay gaartay Al-Shabab dhabar jab weyn ayay ku noqonaysaa

Idale Online – Xafiiska Baydhabo Janaay