Addis Ababa(SHL-NEWS)-Robert Mugabe madaxweynaha dalka Zimbabwe, ayaa maanta loo doortayinuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Midowga Afrika, isagoo xilka kala wareegaya madaxweynaha Mauritania oo muddo sannad ah hayay xilkan.
George Charamba afhayeenka Mugabe, ayaa sheegay in madaxweynahan oo 90-jir ah uu Midowga Afrika ku hoggaamin doono inay noqto hoggaanka caalamka oo dhan. Isagoo ku daray intaas in inkastoo uu aad u dhaleeceeyo reer galbeedka uu hadana yahay hoggaamiye wanaagsan.
Halkan Ka Daawo.
Mugabe ayaa la filayaa inuu xilkan kala wareego Mugabe, Maxamed Ould C/casiis bisha Feberaayo ee sannadka soo socda, isagoo halka sano ee soo socda hoggaamin doona ururka Midowga Afrika.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Zimbabwe ayaa ayaa xilka hogaaminta ururka Midowga Afrika oo 54-waddan ka kooban, isla markaana ah mid wareegto ah ayaa noqonaysa markii ugu horreysay uu qabto tan iyo markii dalkiisu xorriyada qaatay sannadkii 1980-kii.
“Mugabe oo muddo dheer ka cabanaya habka hoggaanka AU-da uu u socdo ayaa maanta ku guuleystay markii uug horreysay guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ee sannadkan cusub,” ayuu yiri afhayeenkiisa, George Charamba.
Charamba ayaa intaas ku daray. “Inkastoo uu muddo dheer kasoo horjeeday fik-radaha reer galbeedka, haddana wuxuu rajeynayaa inuu Afrika oo dhan ku hoggaamin doono dhabbe wanaagsan oo horumar leh.”
Madaxweyne Mugabe iyo reer galbeedka iyo Mugabe khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya ayaa sababay in isaga iyo xubno sare oo ka tirsan xisbigiisa hoggaamiya Zimbabwe ay cunno-qabteyn kusoo rogaan dalalka Maraykanka, Canada, Australia, New Zealand iyo weliba ururka Midowga Yurub.
Idale News Online, Addis Ababa.