Baydhabo(INO)- Iyadoo magaalada Baydhabo ay weli ka socoto doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa waxaa barbar socda khilaafyo iyo cabashooyin shaqada doorashada ee socota.
Cabashooyinka ugu badan ayaa ah kuwa imaanaya siyaasiyiinta u cararaya xidlhibaannimo iyo sidoo kale qaar kamid ah ergada beelaha oo sheegaya in boosaskoodii dad kale lagu bedashay.
Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo musharixiinta Beesha Biimaal ayaa si wada jir ah uga cabanaya liiska Ergooyinkooda oo la bedelay iyo wargelin la’aan xiliga codbixinta Doorashaada Xildhibaanadooda.
Shir jaraa’id ay ay maanta Magaalada Baydhabo si wadajir ah u qabteen Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo musharixiinta Beesha Biimaal ayaa waxa ay cabash ka Soo jeediyeen in lagu sameeyey Ergooyinkooda ay ka soo xuleen Beesha in liiskoodii labedelay iyo ayadoo lagu war gelinin xiliga cod bixinta doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Abshir Maxamed Nuur, Mandella,Idale News Online, Baydhabo.