Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay maanta waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Doorashada oo maanta ku socotay si Habsami leh ayaa waxaa ku soo baxay 4 Mudane oo ka mid noqday xubnaha cusub ee Aqalka Hoose.
Xubnaha Maanta La Doortey Waxay Kala yihin.
- Danjire C/laahi Sheekh Ismaaciil/ Dir/Biimaal/Ismiin /51 Cod
- C/laahi Cumar Abashir / Dir/Biimaal/Ismiin /51 Cod
- Sayid Cali C/qaadir Macalin /Digil/ Jiido/Safar/ 49 cod
- Maxamed Saciid C/laahi /Digil/ Bagadi/Abaasaad/ 40 cod
Ugu damnbeyntii, Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.