Daawo: Musharixiinta Mucaaradka Puntland oo ka hadley wadahadlkii fashilmey ee ay la galeen Faroole?

0
207

Kulankii dhexmaray Musharixiinta xilka Madaxweynaha Puntland 2014 iyo Madaxweynaha xilku dhamaadka ka yahay ahna Musharax, ayaa ku dhamaadey natiijo la’aan kadib markii qodobadii muhimka ahaa ay noqdeen kuwo aan la isaga tanaasulin ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadley Afhayeenka Musharixiinta Mucaaradka ah ee Puntland Cali Xaaji Warsame, Waxaana uu sheegey in ay Madaxweynaha u geeyey qodobo dhawr ah kuwaas oo ahaa intii ay arkayeen in doorasho xalaal ah ay ku dhici karo, waxaana qodobadaas ahaayeen:
MusharaxiintaPuntland
1. In Guddiga doorashada dib loogu noqdo oo ay qayb ka soo magacaabaan Musharixiintu inta badana Madaxweynuhu magacaabo
2. In La dhiso lana dhamaystiro Guddiga Isimmada ee Marjaca ah kaas oo la soconaaya doorashada
3. In Bulshada rayidka ah iyo ururadu ay door ku yeeshaan lana socdaan doorashada.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegey in aanba la isla dhaafin qodobka kowaad oo Madaxweynuhu diidey, Afhayeenka Musharixiinta ayaa ku adkeystey in dhankooda albaabku furan yahay, diyaarna ay u yihiin wada hadal lagu geli jkaro doorasho xalaal ah, waxa uu baaq u direy Isimmada Puntland in ay arrimahan soo dhexgalaan, sidoo kale waxa uu baaq u direy cid alaale iyo ciddii arrimahaan wax ka furdaamin karta.