Daawo Furitaanka Wajiga 2aad ee shirka maamul u sameynta dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia

0
167

Baydhabo, December 17, 2013, Idale News Online: Waxaa magaalada Baydhaba xarunta gobolka Bay si rasmi ah ka furmay wajigii 2aad ee shirka maamul u sameynta lixda gobol ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.


Shirka oo ay ka soo qeybgaleen ergo ka socda gobolada Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Jubbada Hoose, & Jubada Dhexe ayaa waxaa uu ku bilowday jawi aad u wanaagsan, waxaa maalmaha soo socda shirka guda geli doonaa ajandaha iyo qorshaha dhameystirka maamulka. waxaana  masuuliyiinta shirku  sheegeen in muddo gaaban gudahood shirka lagu soo gabagabeyn doono.


FuritaankaShirka

Idale News Online, Baydhabo