Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka barqadii lagu qaaday gaari ay la socdeen Dhaqaatiir u dhalatay Suuriya, dhaqaatiir Soomaali iyo Ilaalo, iyadoo weerarkaas ay ku dhinteen ilaa lix ruux oo saddex ka mid ah ay ahaayeen dhaqaatiir Suuriya u dhalatay.
Dableyda hubeysan ee weerarkan ka dambeysay ayaa la sheegay inay xirnaayeen dareyska ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya, kuwaasoo watay gaari yar oo ay ku hor-gooyeen gaariga ay saarnaayeen dhaqaatiirta.
Maamulaha Isbitaalka Fiqi ee ay ka howl galayeen dhaqaatiirtan oo lagu magacaabo C/raxmaan Macalin Fiqi ayaa sheegay in dhaqaatiirtan Suuriyaanka ay qaabilsanaayeen cudurada kala duwan, isla markaana maalin dhaaf ay u imaan jireen Isbitaalka, si ay howlo qaliin iyo daaweyn uga fuliyaan.
“Dhaqaatiirtan waxay nagu soo biireen labo bilood ka hor, taqasusaad kala duwan ayay qaabilsanaayeen, maalin dhaaf ayay u imaan jireen Isbitaalka oo ku yaal deegaanka Siinka Dheer oo Muqdisho u jira 15-KM”ayuu yiri C/raxmaan Macalin Fiqi oo la hadlay Idaacada BBC-da.
Mar la weydiiyay cid ay tuhmayaan inay dilkan ka dambeeyaan ama hadii loo hanjabay ayuu sheegay in aanay jirin cid ay si gaar ah uga shaki qabaan ama u hanjabtay, isagoo xusay in lama filaan ku noqotay waxa dhacay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dableyda weerarka ka dambeysay oo watay gaari nuuca loo yaqaano Noaha ay baxsadeen, waxaana ciidamo ka tirsan dowladda oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen baadigoob ay sameeyeen u suura geli weyday inay soo qabtaan kooxihii weerarka ka dambeysay.
Dhaqaatiirta la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Dr. Maxamed Saalax al-Khadiib, Dr. Amiir Mudiic, Dr. Axmed Safwaab iyo dhaqtar kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Dr. C/kariin, waxaana sidoo kale dhaawacmay dhaqtar kale uu Suuriyaan ahaa.
Weerarkan ayaa ah kii labaad oo lagu qaado Isbitaalka Fiqi, iyadoo bishii Ramadaan ee la soo dhaafay la dilay dhaqtar ka howl galayay isbitaalka oo uu dhaliyay Maamulaha Isbitaalka.
Idale News Online, Mogadishu