Daawo: Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Ee Degmada Baydhabo Oo Kormeerey Xerooyinka Barakacyaasha Ee Baydhabo

0
241

Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Arimaha Bulshadda Degmada Baydhabo Mukhtaar Sharma’arke Cabdi ayaa  maanta kormeeray xerooyin ay ku jiraan dad barakacayaal ah ayaa waxa uu sheegay in xaalad aad u liidato oo ay ka mid yihiin cuno la’aan, biyo yari iyo caafimaad daro ay haysato barakacayaasha Magaalada Baydhabo.

Gudoomiye Mukhtaar sharma’arke Cabdi  ayaa waxa uu ugu baaqay Hay’adaha samafalka in ay gargaar soo gaarsiiyaan qoysaska barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka barakacayaasha magaalada Baydhabo oo uu sheegay in noloshooda ay halis ku jirto.

Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay markii ay gacanta ku hayeen Hay’adaha samafalka ma aysan tagin Karin sababtoo ah waxaa mamnuucay Shabaab hase ahaatee hada waxaa gacanta ku haysa dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  ilaa hadana ma jirto Hay’ado gargar ah oo halkan  si rasmi ah gargaar u gaarsiineyso Dadka Barakacyaasha Ee jira Kaamamka Baydhabo.

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here