New York(INO) — Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay si aqlabiyad ah u meel-mariyay qaraar lagu taageerayo hannaanka nabadeed ee Suuriya.
Waa markii ugu horreysay muddada shanta sano ah ee waddanka Suuriya ay ka socdaan colaadaha uu Golaha Ammaanka ay isku raacaan hannaan siyaasadeed lagu dhameynayo colaadda ka taagan dalkaas.
Qorshahan ayaa wuxuu ku baaqayaa xabad-joojin ka dhaqan-gasha guud ah Suuriya iyo wada-xaajood siyaasadeed, kuwaasoo looga gol-leeyahay in lagu billaabo wadahadal bisha Jannaayo ee sannadka soo socda.
Sidoo kale, Qaraarkan waxba kama oranayo mustaqbalka madaxweynaha dalka Suuriya, Bashar Al-Assad, laakiinse wuxuu qeexayaa in shacabka Suuriya ay tahay inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka dalkooda, isla markaana ay dajiyaan jadwal doorasho oo xor ah.
Wadammada reer Galbeedka iyo kuwa Carabta ayaa aqbalay in madaxweynaha Suuriya uu qayb kasii ahaado kala guurka siyaasadeed ee dalkaas, waxayse ku adkaysanayaan in ugu dambeyntii uu meesha ka baxo.
Laakiin, dhinacyada soo qoray qorshaha nabadda Suuriya ayaa rumaysan in soo af-jaridda colaadda dalkaas ay tahay sida kaliya ee loola dagaallami karo kooxda dowladda Islaamiga ah ee ISIL, taasoo aad ugu fidday gudaha Suuriya iyadoo ka faa’iidaysatay qalalaasaha dalkaasi ka jira.
Ugu dambeyn, dhinacyada ayaa ku rajo-weyn in taageerada QM ay wax weyn ka tari doonto geeddi-socodka nabadda ee Suuriya, isla markaana ay tahay waxay ku diirsadaan shacabka Suuriya.
Idale News Online, New York