[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/12/madaxweyneXasanColaadaha.mp3|autostart=yes]
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda deegaano hoos-taga gobalka Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dagaalada ka dhacay qaar ka mid ah goboladda dalka, wuxuu shegeay in ay nasiib daro ay tahay dagaalo ka soo cusboonaadaan qaar ka mid ah gobolada dalka sida Shabeellaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, iyo Hiiraan
Madaxweynaha ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed qaswadayaasha had iyo joor hurinaaya colaadaha iyo iska horkeenida shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, haddii dhibooto deegaan, boob iyo kuwa kaleba jiraan lagu xalin karo qaab aan aheyn dagaal iyo daaadinta dhiig hor leh oo Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii horinayo, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad dhisidda, laakin wuxuu yiri kooxahaas si adag ayaan kula dhaqmi doonaan
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yiri “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.”
“Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u diray baaq Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qaswadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka uu ka hirgalo dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Mogadisho