Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadley arrimo isugu jira in ay dowlada Kenya dooneyso in ay qaadato dhul ay Somalia leedahay, warbixintii dhowaan laga soo saarey dhoofinta dhuxusha iyo arrimo kale.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan habe yaraate raali ka aheyn in taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ay Kenya qaadato, arrintaan muranka dhulka Somalia iyo Badda ay tahay arrin dowlada federaalka ay leedahay in ay doorkeeda qaadato, hase ahaatee Axmed Madoobe ayaa difaacey joogintaanka Kenya iyo ka qeyb ahaanteeda AMISOM isagoo sheegay in ay Kenya dalka Somalia u joogto nabad ilaalin.
Dhowaan ayay ahey markii dowlada Kenya ay maamulka degmada Buula Xaawo ay ku eedeeyeen in ay dooneyso in ay baabi’iso xaduudii labada dal, isla markaasna ay gudaha Somalia u soo durjiso xaduuda Somalia iyo Kenya.
Idale News ONline