Garowe(INO)-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefdi uu
hogaaminayey safiirka Dawladda Australia Mr. John Feakes, qeybna uu ka ahaa madaxa hay’adda UNODC ee Soomaaliya Mr. Alen Cole.
Wefdiga uu hogaaminayey safiirka cusub ee dawladda Australia Mr. John Fakes waxaa sidookale kamid ahaa saraakil sare oo ka socday safaaradaha dalalka Netherlands Ingiriiska, Denmark iyo dawladda Sweden ee Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah la qaatay Safiirka iyo masuuliyiinta la socday kadib markii ay soo gaadheen qasriga madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana ay kawada hadleen horumarka baaxada leh ee ka soconaya Puntland, dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee ay kawadaan Puntland, arimaha siyaasada iyo Aminaga .
” Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dawladda Australia Mr.John Feakes oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland, imaanshihiisana waan ku faraxsanahay waana soo dhaweynaynaa”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Wefdigu waxaa ay Puntland u yimaadeen inay eegaan horumarka ka soconaya iyo xaalada guud ee Puntland iyo nabad-gelyadeeda iyo sidookale mashaariic ay dalka ka wadeen oo ay ugu weyntahay mashruuca xabsiga Garoowe ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay inay ka go’antahay sii wadida iyo xoojinta xariirka
ay dawladda Puntland la leedahay beesha caalamka .
Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dawladda Australia Mr.John Feakes ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta uu u sameeyey
iyo sidookale horumarka uu gaarsiiyey Puntland mudadii uu hogaanka hayey.
Mr.John Feakes waxaa uu cadeeyey in dawladda Australia ay dhankooda ka go’antahay inay sii wadayso mashaariicda ay Puntland ka fuliyaan
islamarkaana ay xoojinayaan xiriirka kawada dhaxeeya labada dawladood.
Idale News Online, Garowe