Muqdisho(INO)-Hadii aad Xamar joogtid waxaad halis ugu jirtaa in Wadada adigoo marayo lagu qabto kadibna Saacad kadib lagu taago tiirka toogashada – Waxeey rasaastu kugu bilaabaneysaa adigoo indhaha ka xiran kuna qeeylinaa “Maxaan Galabsaday”
Ma jirto jawaab maxaa yeelay waxaa laguugu bedelay toogasha uu ku xukunaa gacan ku dhiigle argagixisada Somalia ee Al-Shabaab ka tirsan.
Hadii aad Xamar joogtid waxaad halis ugu jirtaa in adigoo jidka maraya ama Hotel fadhiya qarax weyn dushaada ka shanqaro kadibna sidaasi aad ku nafweeysid – hadii aad dhaawacantana ma heli doontid gurmad degdega maxaa yeelay dadku waxeey ku mashquulsan yihiin sawirashada dhaawacaaga iyo raadinta qabiilkaaga.
Hadii aad Xamar joogtid waxaa suurtagala in laba wiil oo degdegsan rasaas kugu bilaabaan ama baabuur lagaa soo dhex toogto maxaa yeelay adigoo baagamuundo ah ayaad u shaxaad doonatay nin aad qaraabo tihiin oo Dowladda ka tirsan kaas oo aan haba yaraatee xitaa Baabuur raac aad ka soo helin ,sababta aad u dhimatay oo hooyadaa u gablantay,Caruurtaadana agoon u noqotay waa sidaas.
Hadii aad Xamar joogtid adigoo subaxdii u shaqa tegay qoyskaaga oo danyara waxaa suurtagala iney seddex nin wadada kaa qabtaana kadibna laguugu tuuro Xabsi ciriiri badan oo lagu magacaabo Godka Jilicoow.
Seddex habeen markii aad Xabsigaas ku jirta waxaa habeenka xiga kuu imaan doono arxanlaabayaal loo carbiyay jirdil kuwaas oo bac inteey madaxa kuu geliyaan si xun kuu garaaci doono.
Su-aalaha maalin kadib lagu weydiiyana waxeey kula noqon doontaa Riyo maxaa yeelay weligaa ma arag Al-Shabaab kamana mid noqon.
Ha argagixin,hana u qaadan riyo maxaa yeelay ma tihid Al-Shabaab sida aad ogtahay laakiin ujeedka wuxuu yahay iney ehelkaada kaa bixiyaan lacag dhan toban kun oo dollar madax furasho ama ugu yaraan shan kun oo dollar.
Hadii aad Xamar joogtid waxaa suurtagala inaad subaxdii hore maqashid shanqarta rasaas,dhawaaqa baabuur ciidan iyo cagaf cagaf gurigaaga Caruurta kuu jiifeen xaga dambe laga soo geliyay.
Hadii aad weydiiso waxa dhacayna waa arrin adag inaad hesho qof kuu jawaabto laakiin waxaa garaacis kugu bilaabi doono dableey hubeeysan.
Maalin iyo labo kadib markaad Caruurtaadii u kala geysay qaraabada si ay ula noolaadaan ayaa laguu sheegay inaadan laheyn dhulka ama Dowladii Maxamed Siyaad Barre si qalada ku bixisay.
Dhulka aad sharcigiisa heysato iyo gurigaagii quruxda badnaa ee lagaa dumiyay waxaa amarkooda bixiyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka nin sheegta iyo Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo tixgelinaya Codsiga Madaxweynaha Somalia iyo Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabadsugida Soomaaliyeed.
Xeer Ilaaliyaha wuxuu dacwadaada uga jawaabay in dhul kale lagaa siin doono degmo ku taal gobolka Banaadir ,wuxuu qiil ka dhigay in dhulka danguud laga dhigay oo Dowladda u baahan tahay laakiin todobaad kadib waxaad tagtay halkii gurigaaga laga dumiyay oo nin kale oo ka tirsan reer hebel ama Ganacsade la yaqaano uu ka dhisanaayo guri cusub.
Halista labada dhinac ee aan ka soo sheekeeyay oo sawir fool xun ka bixisay cadaalad darada iyo naxariis la-aanta Muqdisho taal ,waxaa si wadajira uga masuula,una daadihinaya Al-Shabaab iyo Damujadiid.
Goboladda kale ee Somalia maalin kale ayaan ka sheekeeyn doonaa laakiin Muqdisho qofka jooga ama ku nool wuxuu noqday HAL NIN GURAN RAACAY DHANA UMA FIYOOBO.
Maqaayadda waxeey u shidan tahay Damujadiid,waxaa neefka goowraca Cabdiraxmaan Tuuryare,waxaa karinta ku qoran Faarax Cabduqadir,waxaana qeybinta loo xilsaaray Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Madaxweynaha dalka waxaan oo dhan raali ayuu ka yahay,wuxuu dimbiyada dhacaya oo dhan uga jawaabaa dhoola cadeeyn iyo qosol.
Hadaba su-aasheeydu waxeey tahay maxeey ku kala duwan yihiin Damujadiid iyo Al-Shabaab?.
Damujadiid waxeey taageereen duulaanka dalalka Carbeed ku qaadeen Yemen si shiicadda u dhameeyso Qaaxootiga Soomaaliyeed.
Al-Shabaab waxeey weerarayaan Kenya si Kakuuyadda iyo kenyanka kale u dhameeyaan Qaxootigga Soomaaliyeed.
Damujadiid waxeey Cambaareeysay Sweden ,waxeey amaantay Sacuudi Carabiya?
Maalin kadib taageeradda Dowladda Somalia u muujisay Sacuudiga waxaa leey soo diray Video calool xumo aan ka qaaday oo muujinaayay Oday Somalia 80 sano jira kaas oo si naxariis daran ugu dhintay Xabsiga Tarxiilka Saudi Arabia?
Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia hadii xasuuq ba-an ka dhaco dalkiisa oo Somali la dhameeyo waa ka aamusyaa ama wuxuu dhahaa kaliya guddi ayaan u saaray laakiin hadii uu maqlo gaalo la xasuuqay ama geeriyooday,wuxuu iska soo duubaa Video isagoo ku bilaabaya inta dhimatay Allaha u naxariisto.
Hadii aad sheekadaan dacaayad moodid waxaad daawataa Video uu naxariista alle u dalbay dadkii Gaarisa ku dhintay iyo Tacsidiisii Nelson Mandela ,wuxuu yiri ” Geesi ayuu ahaa Nelson Mandela allaha u naxariisto” laakiin diiniyan qof aan Muslim aheyn looguma duceyn karo naxariista Eebe.
Damujadiid iyo Al-Shabaab oo labadaba u xilsaaran Burburinta Qaranimadda Somalia iyo barakicinta Soomaaliyeed waxeey Mushaar ka qaataan Dowladda Qatar laakiin Damujadiid waa Kumeel gaar halka Al-Shabaab yihiin joogto – Dowlad la aqoonsan yahay ?
Hadaba mar labaad aan ku weeydiiyee maxeey ku kala duwan yihiin Al-Shabaab iyo Damujadiid?
Idale News Online, Muqdisho