Nairobi(INO)-Maxkamad kutaala Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa lasoo taagay lix nin oo loo heesto in ay xariir la leeyihiin Kooxda Al-Shabaab ayna gacan ka geesteen Weerarkii rag katirsan Kooxdaasi ku qaadeen Jaamacada Gaarisa .
Lixdan nine e loo heesto in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Jaamacada Gaarisa ayaa kasoo muuqday Maxkamada Milamani ee Magaalada Nairobi, waxaana si weyn loo adkeenayay amaanka Maxkamadaasi intii ay socotay dhageesiga dacwadaha loo heesto eedeesanayaashaasi.
Maxkamada ayaa dhageesatay mudo saacad ah kiiska ragan iyo dambiyada loo heesto, waxa ayna laamaha amaanka Kenya ka codsadeen garsoorka Maxkamada in la siiyo mudo 30-cisho ah ay Xabsiga kusii hayaan eedeesayaashan si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan.
Garsooraha Maxkamada Benson Nzakyo ayaa ogolaaday codsiga Ciidamada Sirdoonka ee la xariiray in eedeesanayaasha Mudo bil ah lagu sii hayo xabsiga si baaritaano loogu sameeyo, waxaana la filayaa in mudo sodon cisho kadib ay mar kale Maxkamada kasoo muuqdaan.
Magacyada Dadka kasoo Muuqday Maxkamada Magacydaoodana ay soo bandhigya Dowlada Kenya ayaa kala ah.
Cismaan Cabdi Dhaqane oo ahaa Waardiyihii Jaamacada, waxaana ninkan loo heestaa in uu wax ka maleegay Weerarka lagu qaaday Jaamacada Garisa, waxaana ninkan sidoo kale lagu eedeeyay in uu sawiro ka qaadayay Meydadka ardayda la laayay .
Maxamed Aadab Surow oo isna kamid ah raga loo xiray Weerarkii Jaamacada Gaarisa ayaa la sheegay in uu ahaa Milkiilaha Hoteelkii ay jiifteen ragii hubeesnaa ee weerarka ku qaaday Dhismaha Jaamacada Magaalada Gaarisa.
Rashid Charles oo sidoo kale loo yaqaano Rehani Dida oo u dhashay Dalka Tanzaaniya ayaa kamid ah dadka Maxkamada lasoo taagay ee loo heesto in uu ka qeyb qaatay Weerarkii Jamaacda Gaarisa ee lagu dilay dad gaaraya 148-qof oo u badnaa arday.
Waxaa raga kale ay soo bandhigtay Magcyadooda Dowlada Kenya kamid ah Maxamed Cabdi Abuukar, Xasan Aadan Xasan, Sahal Diiriye Xasan , ragan ayaa iyagana lagu eedeeyay in hubka ay usoo gudbiyeen ragii Weerarka geestay waxaana ragan la qabtay iyaga oo doonaya in ay ka gudbaan xadka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale jira dad kale oo iyana loo xiray eedeemo la xariira Weerarkii Jaamacada Gaarisa ku lug lahaayeen, Weerarkan ayaana noqday kii ugu qasaaraha badnaa ee lagu qaado gudaha Dalka Kenya, waxaana Masuuliyadiisa dusha u ritay Weerarkaasi Xarakada Al-Shabaab.
Idale News Online, Nairobi.