Muqdisho(INO)-Habeen hore waxa la kala diray Xukuumadii shanta cisho magacaabneyd kadib Culeysyo la saaray R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo Midnimoada Beelaha Hawiye oo kusugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kubaaqay in lasoo dhiso Xukuumad Tayo leh oo dadka usiman isagoo si gaar ah fariintaasi ugu diray R/wasaaraha iyo Madaxweynaha Dalka.
Halkan Ka Dhageyso.
Waxa uu Nabadoon Xaad sheegay in dalkaan iyo dadkiisaba ubaahan yahay wado toosan oo lagu hogaamiyo si waddankaan dawlad uhelo una sii socoto dawladnimada dadku heleen muddo sanado ah kadib maadama hore Kumeel gaar loogu soo jiray.
Gudoomiye Xaad waxa uu sidoo kale ka codsaday Baarlamaanka Somaliya inay danaha gaarka ka hormariyaan mida guud oo wixii dalka dan u ah ka shaqeeyaan.
Idale News Online, Muqdisho