Beelaha Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose oo ka digay dadka lagu beeraayo Xero Shiino duleedka Garoonka Bilidoogle

0
314

Kulan balaaran oo ey qadka telfoonka ku yeesheen Qurba joota shanta caleemood ayaa waxaa ey kaga hadleen colaada laga soo maleegayo magalada Muqdisho taasoo la rabo in la kala dhex dhigo laba qabiil oo ka tirsan shanta caleemood.

Colaadaan ayaa wexey salka ku heysaa deegaan la yiraahdo Xero Shiino oo ku taala duleedka Xerada Belidoogle ee ka tirsan Degmada Wanleweyn oo ay kooxo Muqdsiho jooga ay doonayaan in ey ka iibiyaan dad aan deegaanka u dhalan taasoo ey ka dhiidhiyeen shacabka Degmada Wanleweyn.

balidoogle

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa ey soo saareen baaq ku wajahan dadka ka shaqeynaya arimahaas wuxuuba baaqa ku bilowdey sidan:-
Waxaan Baaq halkan uga direynaa Kooxada caada qaatayasha ee ku sugan magalada muqdisho kana shaqeyna arimaha Old Banadir waxaad ogaataan in xiligan la taagan yahay eysan deeganka shanta caleemood diyaar u eheyn in cilaad la kala dhex dhigo qabailada shanta caleemood.

In mudo ah ayaa degmada wanleweyn waxaa ey gacanta ugu jirtey kooxo kala duwan oo aan u dhalan deegaanka’ Maanta ey gacantooda soo gashey intii aad hurumar gaarsiin laheedeen miyaad hadana rabtaan in deegaanka aad ka iibisaan kuwii shaley xooga kuugu heystey si ey xaq ugu yeeshaan.

Waxaan idiin sheegeynaa in deegaanka shanta caleemood uusan eheyn beec kooxaha aad kusoo hogaamineysaana aad ka deysaan degmada, umada dhibta ku jirta aad dhibta ka deysaan ugu bedeshaana wax qabad.

Sida aad la socotaan deegaan Isbitaalo kuma yaalaan dadkooda xanuunsan waxaa la geeyaa magalada xamar si halkaasi loogu daaweeyo waxaa kaloo ka jirta iskool la,aan intaad dadka ka caawin laheedeen dhibaatada miyaad hadana rabtaan in aad dhib kale gelisaan waxaan idiin leenahay ka waantooba.