Shirkii Wadamada Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay maanta 4 Ogoosto 2013 ku yeesheen Kampala ayaa dowlada Kenya sheegtey in Ajandihii Dowlada Federaalka ay wadatay la hor istaagay ka dibna ay Wafdigii Dowlada Soomaaliya ay dib ula laabteen Ajandohoodii, waxay kaloo Dowlada Kenya sheegtey ineysan marnaba aqbalayn in ciidamada Amisom la isku dhafo.
Halkaan hoose ka akhriso Warka dowlada Kenya ee shirkii maanta
http://www.statehousekenya.go.ke/news/august2013/2013040803.htm
Dhinaca kale Warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxaa lagu sheegey in iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka ah lagu wareejiyo Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Dowlada Federaalka, Ciidamo isku dhafana la geeyo Kismaayo,sida aan warka ku helney Ciidamada lagu kordhinayo kuwa Kenya waxay noqonayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo qura, taaasna dhinacyada kala duwan waa isla meel dhigeen.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo codsadey in ciidamo isku dhafa la geeyo Kismaayo ayaa lagu qanciyey in ciidamo Itoobiyan ah la geynayo Jubooyinka, tasoo khasab ku noqotey Madaxweyne Xasan Sheikh inuu aqbalo.
Markaad eegtid labada war , Warka ku saabsan Warmurtiyeedka ka soo baxay shirka maanta wuxuu u muuqdaa mid lagu qancinayo Dowlada Federaalka ah sidii Warmurtiyeedkii kasoo bixi jirey shirkii IGAD ee Adis baba bishii MAY sanadkaan kasoo lagu sheegey in Dowlada Federaalka ah looga dambeeyo maamul u sameynta Jubooyinka, iyo in shirkii Jubooyinka ay Daadihiyaan Dowlada federaalku sida aan la soconana IGAD waxay qaadeen wado kale oo ka duwan Warmurtiyeedkii shirkii May ee Adis ababa.
Warka kusoo baxay Dowlada Kenya Caawo 4 Ogoosto, 2013 wuxuu ka turjumayaa xaqiiqda uu ku dhamaadey kulanka wuxuuna warkaa su u qoran yahay sidaan hoose.
In a communiqué issued at the end of the AMISOM Troops Contributing Countries (TCC) Heads of State Summit in Uganda, regional leaders also rejected suggestions to re-hat the African Union Mission in Somalia (AMISOM). warkoo dhamaystiran ka akhriso Website-ka Dowlada Kenya linkikiisuna waa kan http://www.statehousekenya.go.ke/news/august2013/2013040803.htm