Daawo: Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Oo sare U Kacay

0
229

Muqdisho(INO)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah, waxaana munaasabadda ka dhacday xerada Jazeera ka qeyb galay Taliyaha Ciidamadda Xooga dalka Jen. Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa ka hor inta uusan ka qeyb gelin Munaasabadda Tababarka loogu xirayay ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, waxa uu booqday taliska qeybta 12-ka Apriil ee Ciidamadda Xoogga dalka, waxana halkaas uu kulamo kula qaatay Saraakiisha ciidamada.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Tababar u soo xiray saraakiil dhameysatay tababar leyli Sarkaal, kuwaasoo muddo dhowr bilood ah tababar ku soo qaadanayay dalka Uganda, sidoo kalana xerada Jazeera lagu barayay shuruucda iyo dhaqanka laga doonayo askariga Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidamadan lagu soo xulay markii hore shuruudo ay ka mid yihiin dabeecad wanaag iyo aqoon, isagoo intaa raaciyay in Soomaaliya ay xiligan u jaheystay sidii ay wadankeeda udhisan laheyd, ciidana ay yihiin kuwii hormuudka u noqon lahaa dib u dhiska Soomaaliya Nabad ah oo xasiloon.

123Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here