Garoowe (INO) –– Warar Dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen Shaqaalaha UN-ka ee Garoowe.
Qaraxa oo ahaa Mid lagu xiray Gaariga ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Xafiiska UN-ka ee Garoowe Saakay aroortii, waxaana la xaqiijiyay in ugu yaraan 10 kamid ah shaqaalaha ay ku dhinteen.
5 Ajaaniib ah, oo qaarkood ay yihiin kuwa Reer Galbeed ah ayaa kuu dhintay Qaraxa, waxaana ku jira qaar Soomaali ah.
Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Weerarka.
UPDATE 1: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Nugaal Axmed Cabdullahi Samatar oo Goor-dhow Shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in Nin katirsanaa UNICEF oo saarnaa Gaariga uu fuliyay Qaraxa.
Warar KON ay heshay ayaa sheegaya in Labo Kenya u dhalatay & Mid dalka Afghnaistaan u dhashay ay kamid yihiin Dadkii gaarayay 10-ka ee Maanta lagu dilay Weerarka ka dhacay Garoowe.
UPDATE 2: Hay’adda UNICEF ayaa xaqiijisay in 4 kamid ah Shaqaalaheeda ay ku dhinteen Weerarka, sidoo kalena 4 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo Xaaladooda ay aad u liidato.
Idale Online – Garowe