London (INO) – Wargeyska The Mirror ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa Daabacay Isagoo soo Xiganaya Saraakiil Sirdoon in Dowlada Britain ay Diyaarinayso Ciidamo gaar ah oo Nolosha ku qabta Haweeneyda sida weyn loo doonayo ee Ingiriiska u dhalatay.
Samantha Lewthwaite ayey Sahlanaan doontaa in lasoo qabto la tixraacayo Xog uu Bixiyay Zakariye Ismaciil Xirsi oo dhowaan Muqdisho kaga Dhawaaqay inuu Al-Shabab iskaga baxay.
Wargeysku waxaa uu sheegay in Zakariye oo la kulmay Baarayaal Sirdoon ah inuu u sheegay Samantha Lewthwaite ay ku Nooshahay meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Keynta Raaskambooni halkaas oo ay ku Ilaaliyaan koox ka tirsan qeyb Qaraxyada u Qaabilsan Al-Shabab.
Idale News Online, London, Uk.