Baydhabo (INO)- Waxaa Maanta Wasaaradda Hub ka dhigista Dhaqan celinta iyo Tababaraddka Maleeshiyaadka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Hub iyo Saanado militiri ay u Qiibisey Ciidamada Daaraawiishta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo Haysta Tababar Wanaagsan isla markaana waxay dhawaan Waajahi doonaa Difaaca Xaduudadaha Degaanada Dowlada KGS.
Munaasabada Hubka lagu siinanayey Ciidadada Daraawiishta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa Joogey Xildhibaano, Odayaasha Dhaqanka iyo Wasiirka Wasaaradda Hub ka dhigista Dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Wasiirka ayaa sheegey in Hub siintan ay tahay diyaar garow iyo haagan la galinaayo Ciidamada Koonfur Galbeed soomaaliya, waxaana u ku dhiiragaliyey inay Muujinayaan Geesinimo.
Ciidamadan oo ay haaystaan Tababar Wanaagsan oo horey ay u siyeen Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga afrika Ee Soomaaliya AMISOM, isal marakaana waxay maanta halkaas u soo bandhigey Ciyaaro iyagoona ka Dhawaajiyey hal ku dhigyo, Argigax galinaayo Cadow kasta oo doonaya inuu ku Xad Gudbo Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo VIDEO -ga Maanta.
Halkan Ka Daawo Sawiraddda
Idale News Online, Baydhabo