Celberde(INO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaas ay subaxa hore ka anbabaxi doonaan xildhibaano gaaraya 10 Xildhibaan iyo Wasiiro Koofur Galbeed kasoo jeeda.
Xildhibaan Cumar Cali Balosh oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka ee tagi doona magaalada Ceel-Barde ayaa sheegay in socdaalkooda ay sidoo kale ku wehlin doonaan saraakiil Itoobiyaan ah.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa si faah faahsan uga hadlay sababaha ay utagi doonaan magaalada Ceel-Barde oo uu ka taliyo maamulka Bakool Sare.
“Qorshaheena waa inaan tagnaa Ceel-Barde, Yeed iyo Aato, waxaan dooneynaa inaan cid walba oo wax tabaneysa aan la fadhiisano oo aan sidoo kale la kulano shacabka deegaanka”ayuu yiri Xildhibaan Bolosh.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo