Baydhabo9INO)- Wasiirka Diinta iyo awqaafta ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Barre (Maclin Barre) ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta KGS kaga hadlay arimo badan.
Wasiirka ayaa ugu horeyn sheegay in Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya markaan uusoo dhameystirmay islamarkaana uu yahay maamul lala xisaabtami karo, hada wixii ka horeeyeyna uu ahaa maamul aan lagu qabsan Karin wax dhaliil ama uu yeelan karay.
Macalin Barre ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada iyo dhibaatooyinka ka jira Shabeelada hoose, wuxuu ku nuux nuuxsaday in dhawaan ay rajeenayaan in xal waara laga gaaro arimaha shabeelada hoose.
Mar aan weydiinay arimaha la xiriira Garoonka Nabar 50 ayuu sheegay in su’aashaas la weydaanayo dowlada Soomaaliya maadaama iyada ay maamusho howlaha garoonka.
“Arinta Garoonka waxa la weydiihaa dowlada anaga garoonka ma xerin, waan furnay waana xaaqnay kharashna waala geliyey dowlada fedaraalka ayaa xirtay sababtii ay u xirtayna iyadaa la weydiin doonaa” ayuu yiri Macalin Bare.
“Cagey iyo Buraale anaga ma xukunno dowlada ayaa xukunto Milateriga ayey ka tirsanyihiin” ayuu ugu dambeyn hadalkiisa sii raaciyey.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo