Daaawo Sawiradda+ Warbixin: Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo Magaalada Garowekaga qayb galay Xaflad lagu maamusayo Maalinta dhalinyarada Somalia SYL.

0
234

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Garowe kaga qayb galay Xaflad balaaran oo lagu maamusayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliya ee SYL.

Munaasibada ayaa waxaa sidookale ka soo qayb galay,Golaha Wasiirada Puntland,Mudanayaasha baarlamanka Dowlada Puntland,Waxgarad,Isimo,Dhalinyaro,Haween,iyo dhalinyaro tababar
maalmihii ugu dambaysay uga soconayay Garowe,oo ka kala yimid degmooyinka Buuhoodle,Laas-qoray iyo Towfiiq oo katirsan Puntland.

Mudadii ay socotay xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Riwaayad katurjumaysa dhibaatada ay leedahay Tahriibta,iyadoona dhalinyarada looga wacyigaliyay in ay ka feejignaadan dhibaatadaasi,noqdaana kuwo ka faa’iidaysta khayraadka dhulkooda ku jira .

Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa cadeeyay in xukuumada Puntland ay door muhim ah ka qaadatay sidii xilal muhiim ah loogu soo magacabi lahaa jiilka soo koraya,isagoona tusaale u soo qaatay Maamulka Heer degmo iyo Heer gobol oo badan kood
hogaanka u hayaan Dhalinyaro.

Mudane C/raxmaan Shiikh Axmed oo ah Wasiirka shaqada,shaqaalaha,dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo hadalka qaatay ayaa isna ka dhawaajiyay in Wasaaradiisu ay ku mashquulsantahay
sidii laysugu soo dhawayn lahaa dhalinyarada Puntland ee ku kala nool Gobolada Puntland .

”Waxa ugu muhiimsan waa dhalinyara,nimada,waxa ugu qiimo badana waa Nafta,waxana dhalinta kula talin in ay ka fiijignaadan khatarta Tahriibta,riwaayadii la soo bandhigayayna waxay ahayd wax xaqiiq ah
”Sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Puntland Mudane Siciid Xasan Shire .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay maalintani u leedahay bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaa Puntland iyo doorka
dhalinyarada kaga aadan horumarka dalka,waxana uu tilmaamay in dhalinyaradu tahay laf dhabarka bulshada.

”Markaad wadankaaga joogto waxa aad badali karto iyo waxa aad samayn karto ee wanaga ah awood umalihid intaasi oo idil in aad dibada ka samayso,sabab too ah umad kale ayaad la joogta kaana tiro badan,laakin waxa yar ee Puntland aad ka samayso dadkaaga oo idil ayay
gaaraysa”Ayuu yiri Madaxwaynuhu .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Sidookale ka sheekeeyay halgankii dheeraa ee loo soo galay madaxbanaanida dalka Soomaliya iyo doorki ay dhalinyardu ku lahaayeen halgankaasi.

15-ka May sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay
aas’aaseen ururkii gobanimo doonka ee SYL, waxaana ka soo wareegtay 71 sano,dhalinyaradaasina waxa ay ahaayen kuwo dareemay dhibaatooyinka gumeysiga kadibna ay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen ururkii SYL,iyagoo adeegsanayay tab iyo xeelad kasta oo la isaga dulqaadayay heeryada gumeysigii reer Yururb.

IMG_2879

IMG_2862 IMG_2867 IMG_28795 IMG_2856 IMG_2852 IMG_2850 IMG_2886 IMG_28900 IMG_2892 IMG_2890 IMG_2897 IMG_2894 IMG_2941 IMG_2931 IMG_2928 IMG_29188 Dr. Cali Xaaji Warsame wx IMG_2918 IMG_2907
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hidaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

DHAMAAD .

Idale News Online, Garawe.