Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garowga dabaal degga munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 71-guuradii ka soo wareegatay asaaska ururka dhallinyarada SYL oo hormuud u ahaa xornimada dalka Soomaaliya.
Garoonka K/Cagta Banadir Stadium ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu soo ururay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo barnaamijyo ku saabsan 15-ka May ayna soo diyaariyeen guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo ururrada dhallinyarada halkaasi ay haatan ka socdaan.
Dhinaca munaasabadda loogu dabaal degayo maalinta dhallinyarada SYL ee 15-ka May ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan madax ka tirsan Dowladda Federaalka, ururrada dhallinyarada iyo xubno magac ku leh dalka.
Sidoo kale qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa iyana waxaa ka socda munaasabadda 71-guurada ka soo wareegatay asaaska ururka dhallinyarada SYL ee 15-ka May, waxaana maamulada ka jira gobolada dalka qaarkood ay bilaabeen sidii loo maamuusi lahaa munaasabaddaasi qiimaha weyn ku leh dalka.
F.G Sawiro & Xog Dheeri ah naga Fisha gaba gabadda Munaasabadan Inshaa-Allaah.
Idale News Online, Banadir.