Ciidamadii dowlada shaqada ka erisay oo mudaaharaad ka dhigay banaanka Madaxtooyada

0
185

Ciidamada ka tirsan kuwii ay dowlada federaalka Soomaaliya ee ay dhowaantaan ka erisay shaqadii ciidanka ay u haayeen ayaa mudaaharaad ka dhigay banaanka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxayna ciidamadu ka cabanayeen go’aankii shaqo ka jooginta ee ay taliska sare ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen.

Ciidamada banaanbaxayey ayaa waxba kama jiraan ku tilmamey eedaynta loo jeediyey, waxayna sheegeen in ay naftooda iyo nolol xumo ay ugu hureen dalka muddadii 23sano sidaas darteed, waxay dowlada ka codsadeen in go’aanka shaqada uga eriday ciidankaas dib loo eego.

Dhowaan ayaa dowlada federaalka Soomaaliya waxay shaqadii ka erisay in ka badan 700 ciidan kuwaasoo xil gudasho daro iyo aysan sooba xaadirin looga cayriyey shaqadii ay ciidanka u haayeen.

rusqeeyey1 rusqeeyey2 rusqeeyey

Idale News Online