Magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxaa ka dhacay kulan balaaran oo lagu taageeraayey maamulka cusub ee dhawaan ay dawladu federalka u magacawday gobolka galguud ee bartamaha Soomaaliye .
Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Sweden sala ahaana ka soo jeeda gobolka galgaduud oo xafladaasi soo agaasimay ayaa gudoomiyaha cusub ee la magacaabay Xuseen Cali Wehliye Cirfo ku soo dhaweeyey wadajir iyo laabfuran.
Jaaaliyada Soomaaliyeed ee galguud ee dagan dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholom ayaa ugu baaqay gudoomiyha Cusub ee lamagacaabay in uu ka shaqeeyo midnimda iyo hurmarinta gobolka galgaduud, ayagoo dhinacoodna balan qaaday in ay intii karaan kooda ah ay ka qayb qaadan doonaan hurumarinta dhinacyada adeegyada bulshada ee uu gobolku u baahan yahay.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka galguduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo, oo qadka telfoonka ugu qaybg qaadanayay xaflada lagu taageerayo ayaa waxaa uu jaaliyadii isugutimid uga war bixiyey mudadii todobaadkahayd ee uu ku sugnaa xarunta gobolka galguduud hawlihii uu qabtay iyo kulamo kala duwan oo uu ku tagay qaar kamid ah degmooyinka gobolka galgaduud.
Idale News Muqdisho