Ciidanka Puntland oo foodda gelin la’ Degmada Qandala

0
172

Qandala(INO)- Ciidanka Puntland oo toddobaadkii hore ku dhaqaaqay Degmada Qandala ee Gobolka Bari, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay foodda gelin la’yihiin wadada keliya ee tagta Degmadaasi.

Maleeshiyaad taabacsan Ururka Daacish, ayaa 26-kii bishii October bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Degmada Qandala, ka dib markii ay isaga baxeen ciidan yar oo kuwa Puntland ka tirsan.

Ciidanka Puntland, ayaa Isniintii shalay iska caabin kala kulmay maleeshiyada Daacish, markii ay weerareen fariisin ay ku sugnaayen oo ku yaala Toga Cobole, oo 70km dhinaca koonfureed kaga beegan Degmada Qandala.

Dagaalkan ayaa si iskiis ah u joogsaday, mana jirto horumar ay ka sameeyen Ciidanka Puntland. Toga Cobole ayaa ah mid ay dhirtu ku badan tahay.

Dhulka ay labada dhinac isu hayaan, ayaa ah dhul buuraley, waxaana culeyska ugu wayn uu Ciidanka Puntland ka haystaa, iyadoo hal wado oo qura ay gasho Qandala, taasoo ay welibana adag tahay inay isu dhaafaan gaadiidka.

Taliyaha Ciidamada Badda Puntland, Admiral C/risaaq Diiriye Faarax, ayaa qiray in maleeshiyada Daacish, ay kooxo kooxo ugu jiraan wadada dhirirsan ee aadda Degmadaasi.

Suxufiyiinta Gobolka Bari, ayaa soo sheegaya in markii ugu horeysay, ay tahay in dagaalo ka dhacaan wadada Degmada Qandala, wixii ka dambeeyay burburkii.

Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo), Gudoomiyaha Gobolka Bari, ayaa Sabtidii sheegay in 24 saac ku qabsan doonaan Degmadaasi, waxaase muuqata in xaalku uu sidaa ka duwan yahay.