Daawo:Dowladda oo soo bandhigtay doon si sharci-darro ah uga kallumeysaneysay xeebaha Soomaaliya

0
166

Muqdisho(INO)- Wasiir ku xigeenka wasaraadda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Siciid Jaamac Maxamed Qaalib oo shir jaraa`id uu Muqdisho ku qabtay ayaa kaga hadlay xaalufka maraakiibta shisheeye ay ku hayaan xeebaha Soomaaliya iyo heshiisyo sharcidarro ah oo lala galayo shirkado shisheeye ayadoo aysan ka warqabin wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay markab si sharcidarro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya kaasoo lagu qabtay xeebaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya..

Wuxuu sheegay in Wasaaradu ay ku biirtaya Ururro Caalami ah oo ka dhisan ilaa iyo 8 dal oo iska kaashanaya la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah ee xeebaha.

Wuxuu intaasi ku daray in Markabkan uu isku dayay in uu Cumaan galo, marka uu ku arkay in uu qoraal ka yaallo uu socon waayo, isagoo intaasi sii raaciyaay in ciidamo la’aan ay ku guuleysteen qabashada markabkani, kaasi oo siday Kalluun gaaraya ilaa 30 Tan waxaana lagu ganaaxay lacag gaaraysa 65,000 oo dollar.

Wasiir ku xigeenka ayaa u mahadcelinay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo gacan ka siinayay la dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah oo Marakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya waxaana uu ka codsaday in ay siyaan qalab ka Sataliteka oo inoo fududeynaya ka hortagga kalluumeyisga sharci-darrada ah.