Duqayn dhinaca cirka oo xalay ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose

0
180

Toora-toorow(INO)- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in weerar dhinaca cirka uu xalay ka dhacay tuulo hoos-tagta Deegaanka Toora-toorow ee Gobolkaasi.

Diyaarado aan la aqoon dalka laga lee-yahay, ayaa garaacay saldhig ay Shabaabku ku leeyihiin tuulada Ibraahim Cali Beere, oo qiyaastii 20km u jirta Deegaanka Toora-toorow.

Dadka deegaanka, ayaa hurdada kaga soo baraarugay duqayntan, oo ahayd mid is xig xigtay, iyadoo ay duqayntu dhacday saqdii dhexe ee xalay, xilli ay saacaddu sii caga cageyneysay 1-dii habeenimo.

Waxaa adag in macluumaad sax ah laga helo cidda dhabta ihi ee duqayntaasi lala eegtay, marka laga soo taggo in saldhig Shabaab la duqeeyay.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in duqaynta ka dib ay ciidan u daateen tuuladaasi, isla-markaana ay iska caabin xoogan kala kulmeen maleeshiyada Al Shabaab.

Nin ka tirsan dadka deegaanka, ayaa sheegay daqiiqado ka dib duqayntaasi inay maqleen rasaas xoogan, ka gadaal markii ay Shabaabku bilaabeen in ay ka hortaggaan ciidamadasi.

Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, ayaa IdaleNews.com u sheegay in iska horimaadku uu socday qiyaastii 30 daqiiqo, dibna ay u gurteen kuwii weerarka soo qaaday.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxaan kaloo jirin wax war ihi oo weli ka soo kala baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ururka Al Shabaab.

Mareykanka, ayaa inta badan sheegta masuuliyadda weerarada dhinaca cirka, ee Shabaabka lagula eegto dhulka ay ka jooggan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa ku soo noq noqday weerarada dhinaca cirka, mararka qaarkoodna waxaaba lagu tilmaamaa midka ugu badan ee laga fuliyo duqaynta cirka.