Mahadaay (INO) –– Wararka Idale News Online helayso ayaa sheegaya in Ciidanka AMISOM ay Duqeyn Madaafiic ah ka geesteen Deegaanno dhowr ah oo hoostaga Degmada Mahadaay, ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Tiro Madaafiic ah oo aan loo meel dayin ayaa waxay ku dhaceen Deegaanada Ciin-ciinka iyo Cali Food dheere ee ku yaalla Duleedka Mahadaay, waxaana ka dhashay Khasaaro Naf iyo Maalba leh.
Madaafciida waxaa riday Ciidamada AMISOM ee deggan Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Jowhar, mana la oga sababta ay Duqeynta ugu geesteen Shacabka ku sugan Deegaanadaasi.
Waa qeyb kamid ah Tacadiyada & Xasuuqa ay Ciidanka AMISOM kawadaan dalka Soomaaliya, iyadoo aanan jirin Cid ama Hay’ad la xisaabtanta Ciidanka Shisheeye ee dalka wixii doonaan ka samaaya.
Idale News Online – Madhay