Warar goordhow naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ay ka kaxeeyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdigii uu hogaaminayay,kuwaasi oo dad careysan ay ku xanibeen gudaha Garoonka.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa doonaya inuu ugudbo Hoteelka Bakiin oo ku yaala Bartamaha Magaalada Baydhabo, halkaasi waxaa ka socda shirka lagu doonaye in Madaxweyne loogu sameeyo maamulka saddexda Gobol.
Ciidamada Ethiopianka ayaa Shariif Xasan iyo wafdigiisa waxay u gudbiyeen Hotelka Bakiin halkaasi uu ka socdo Shirka Seddexda gobol la doonayo in maamul loogu sameeyo,iyadoo dadkii banaabaxa dhigayay,islamarkaana ka soo horjeeday Shariif Xasan dibabd baxoodii iska wateen.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa doonaya inuu Madaxweyne ka noqdo Maamulka Saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya, waana qorshaha uu Baydhabo utagay.
Madoobe Nuunoon Maxamed ayaa lagu doortay Baydhabo, waxaana loo doortay Hogaanka Maamulka Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.
Idale news online