Dad ka careysan imaanshaha Shariif Xasan Sh.Aadan magaalada Baydhabo Janaay xarunta gobalka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta banaanbax aan loo kala harin ka dhigay magaalada.
Dadka Mudaaharaadaayay oo aad tiro badnaa ayaa isku kala qeybiyay labada wado ee soo gasha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo oo uu ku sugnaa wafdi yar oo hogaaminaayo Shariif Xasan oo ilaa iyo iminka ku xayiran garoonka.
Dadka isku soo baxay ayaa gebi ahaanba hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiidka iyagoona ishor taagay taangiyo dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiyaan ka ee ku sugan magaalada kuwaasoo kusoo jeeday dhanka iyo garoonka si ay usoo gelbiyaan Shariif Xasan Balse taasi ka biyo diideen dadkii mudaahraadaayay.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa isku dayay in ay xoog ku gudbaan halka loo yaqaano Afar irdoodka balse dadkii mudaaharaadaayay ayaa hor seexdn taangiyada ugu dambeyn ne ciidamada Itoobiya ku qasbay in ay dib ugu laabtaan xeryahoodi.
Arinka maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa ah taariikh khudeeda is diiwaan gelisay taasoo shacabka taageersan dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed.
Idale News Online, BAYDHABO