Gudoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan xildhibaano beelaha digil iyo Mirifle ka tirsan oo ay ka mid yihiin xildhibaan Max’ed Rashiid Sheekh Daahir, Xidlhibaan C/casiis Afar Indhood iyo kuwa kale oo iyagu taageersan qorshaha maamul u sameynta seddexda gobol ee Shabeelaha Hoose , Bay iyo Bakool ayaa gaarey magaalada Baydhabo.
Shariifka oo bartiisa facebookiisa ku soo dhigay fariin ku aadan tagistiisa magaalada Baydhabo iyo inuu weli ku taagan yahay mowqifkiisa dhismaha maamul loo sameeyo 3 gobol ayaa waxaa tagistiisa maanta magaalada Baydhabo uu kala kulmey caqabad ah inuu gudaha u galo magaalada Baydhabo, walow markii dambe uu gaarey hoyga loogu talogaley ee magaalada Baydhabo.
Maamulka Madaxweyne Nuunoow ayaa dhankooda uga digay xildhibaan Shariif Xasan inuusan ka hor imaan maamulka lixda gobol, waxuuna Nuunow oo saxaafada la hadlaayey sheegay in aysan ogolaan doonin in maamul kale lagu dul dhiso.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa amaankeeda haatan sugaayo ciidamo isugu jira kuwa Ethiopoia & Burundi oo iyaga halkaasi ku jooga dalada AMISOM iyo ciidan dowlada Federaalka Soomaaliya hoostago oo dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh bixiso mishaarkooda. Lama oga waxa xaalka magaalada Baydhabo noqon doono beryaha soo socda. waxaana wafdiga shariifka iyo xildhibaanada kala yimid magaalada Muqdisho la og yahay in doonaayaa in binshaan 27keeda ay ku dhawaaaqaan dowlada goboleed ka kooban 3 gobol, iyadoo halkaasina ay ku sugan yihiin xildhibaao dowladaii kmg ka tirsanaa iyo siyaasiyiin kale oo ku fikir ah Xildhibaan Shariif Xsaan.
Idale News Online, Baydhabo.