Daawo:Al-Shabaab oo soo bandhigtay Video Sargaal sare oo looga dilay Duqeyn iyo nin ay ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa weerarkaasi

0
242

Muqdisho(INO)-Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay waxa ay soo bandhigtay Muuqaalka sargaal sare oo katirsanaa Kooxdaasi ,kaa oo lagu dilay Duqeyn ay Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dalka Mareykanka ay la beegsadeen.

Sargaalkan Duqeynta lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabduqaadir oo sidookale loo yaqaanay Sahal Isku Dhuuq iyo Camow, waxaana sargaalkan duqeyn diyaaradeed lagu dilay dhamaadka bishii Janaayo ee sanadii 2014-ka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay Muuqaalka nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Kheyre oo Al-Shabaab ay ku eedeeyeen in uu wax ka abaabulay duqeynta ay Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ku dileen Sargaalka katirsanaa Al-Shabaab.

Nikan Al-Shabaab soo bandhigeen kuna eedeeyeen in uu wax ka abaabulay Weerarkaasi ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii uu ka ogaa weerarkaasi, waxa uuna tilmaamay in Weerarkaasi uu qorshihiisu lahaa Xildhibaan hore uga tirsanaa Dowlada kana mid ah Siyaasiyiinta laga yaqaano Gobolada Bay iyo Bakool.

Sahal Isku Dhuuq ayaa la dilay Xili uu gaari ku safrayay waxaana la dhintay Darawalkiisa, Sargaalkan oo kamid ahaa raga sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa kooxdu wali cadeyn xilka uu ka dhax hayay Kooxdaasi balse waxa ay tilmaameen in uu ahaa hogaamiye sare.

32

Idale News Online, Muqdisho.