Ciidamada DFSoomaaliya & AMISOM oo la wareegay Deegaanno

0
193

Ciidamada oo Saakay ka dhaqaaqay Deegaanka Jaziira ee Duleedka Muqdisho, ayaa si Nabad ah kula wareegay Deegaanada Xeebta ku yaalla ee Dhanaane iyo Dhoreey oo  11Km u jira Deegaanka Gandarshe ee Gobalka Sh/hoose.

Maleeshiyaadka Kooxda Al shabab ayaa baneeyay Deegaanadaasi, kadib markii ay ka warheleen in ay Ciidamada DFS iyo AMISOM ay kusoo wajahanyihiin,sida ay Dadka Deegaanka xaqiijiyeen.

Deegaanka Gandarshe ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Ciidamada ay kaabiga ku hayaan,lagana yaabo in Saacadaha soo socda ay qabsadaan,maadaama Al shabab ay isaga baxeen.

Tallaabadan ayaa ah mid Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay doonayaan in Kooxda Al shabab uga saarayaan Gobolka Sh/Hoose, oo Meelo yar ay ka joogaan.

Ciidan Belled

Idale News Online, Gandershe.