Calankii Soomaaliya oo hoos loo dhigaayo Muddo Seddex Maalmood oo Baroordiiq ah.

0
185

DF soomaaliya  ayaa ku dhawaaqday Saddex Maalmood oo Baroordiiq ah oo loo sameynayo Geerida Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Marxuum C/risaaq XaajiDowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in Calanka Soomaaliya Sadex Maalmood hoos loo dhigay si loo xuso Allaha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Sidoo kale Dowladda ayaa Shalay Guddi u xilsaartay qaban qaabada Aaska Qaran ee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Guddigaan oo ka kooban 11 Mas’uul ayaa ka hadlay Howlaha ay qaban doonaan, waxeyna sheegeen in Maalmaha soo socda lagu Aasi doona Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Guddiga ayaa ka kooban Wasiirro iyo Xildhibaanno, waxaana Guddoomiye u ah ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xersi Maxamed.

Gudigga ayaa ka kooban: 

  1. Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga
  2. Wasiirka Qorsheynta Saciid C/llaahi Dani   Xubin
  3. Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane  Xubin
  4. Wasiirka Garsoorka iyo Destuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed Xubin
  5. Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed Xubin.
  6. Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow   xubin
  7. Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiska Khaalid Cali Cumar   Xubin
  8. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”  Xubin
  9. Habdhowraha Barlamaanka Maxamed C/llaahi Xasan Xubin
  10. Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Bakhdaadi       Xubin
  11. Xog-hayaha Barlamaanka C/kariin Cabdi Buux   Xubin.

cropped-calanka.jpg

Idale News Online,Muqdisho.