Baydhabo (INO) – Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Xabsiga dhigay 30 ka Tirsan Al-shabaab, kuwaa oo lagu qabtay Baaritaano Magaalada laga Sameeyay.
Col. Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Bay ayaa shaaca ka qaaday in ay Al-shabaab Badan kusoo qabteen Baaritaanadii ugu dambeeyay ee Magaalada Baydhabo ka dhacay, dadka lasoo qabtay Guud ahaan ayuu sheegay in ay Gaarayaan 192 qof, 30-ka hada Xabsiga lagu reebayna Caddeymo lagu Helay.
Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bay ayaa sheegay in aysan Al-shabaab ku Gamban doonin dadka Magaalada Baydhabo, isla Markaana ay dadku kala Shaqeeyaan Amaanka sidii loo sugi lahaa.
Mahad waxaa uu shaaciyay in ay dadka Magaalada Baydhabo intooda Badan Goosteen in ay ka Horjeestaan Al-shabaab, kuwaa oo uu ku sheegay in aysan Jecleysan sida Shabaabku ula Dhaqmaan, sida uu Hadalka u dhigay.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.