Muqdisho(INO)-Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa Hogaamiyaashii Jabhadii Xaq U Dirirka Ahayd Ee RRA ayaa saakadii hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, waxaana geeridiisan Tacsi ka diray dhamaanba Madaxda dawladda Soomaaliya.
Xildhibaan Xaabsde ayaa ka mid ahaa baarlamanaadii soo maray Soomaaliya sannadyadii udambeeyey, isagoo marar badan ka soo mid noqday Xukuumadihii soo maray dawladda Soomaaliya, waxaana lagu tiring jiray rug cadayaasha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.
Xaabsade ayaa lagu yaqaan hadalo cad-cad, wuxuuna ahaa nin aan siyaasadiisa isbadal badan ku dhicin, sida lagu yaqaan Hogaamiyaasha Soomaalida, si weyn ayaa wax looga weydiin jiray siyaasada gobalada Baay iyo Bakool ka hor intii aysan soo bixin dhaqdhaqaqa Shabaabka.
Geerida Xaabsade ayay si weyn uga naxeen Shacab badan oo taageersanaa iyo mudanayasha baarlamaankii KMG ahaa oo aad uxasuusta mudadii ay wada shaqeynayeen.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho